Dabka Amazon: Faransiiska iyo Ireland waxay ku hanjabeen inay horjoogsan doonaan heshiiska ganacsiga EU

0
51

Faransiiska iyo Irland ayaa sheegaya in aysan kala saxeexi doonin heshiis ganacsi oo balaaran wadamo kuyaalla Koonfurta Ameerika hadii Brazil aysan waxbadan ka qaban la dagaalanka dabka ka socda Amazon.
Hogaamiyaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Madaxweyne Jair Bolsonaro uu been uga sheegay mowqifkiisa ku aadan isbadalka cimilada.
Waqtiga xaadirka ah Amazon waxaa jira tiro dabeedyo ah – isha ugu weyn ee oksijiinta adduunka.
Kooxaha deegaanka ayaa sheegaya in dabka uu xiriir la leeyahay siyaasadaha Mr Bolsonaro, oo isagu dafiray.
Hogaamiyaasha yurub ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga xuntahay dabkaasi, iyadoo Raiisel wasaaraha UK Boris Johnson uu sheegay inuu “aad uga walaacsan yahay” saameynta khasaaraha naxdinta leh ee deegaanadan qaaliga ah “.
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu yeertay dabka “xaalad deg deg ah … naxdin iyo hanjabaad kaliya maaha Brazil iyo wadamada kale ee ay dhibaatadu saameysey, laakiin sidoo kale adduunka oo dhan”.
Mr Bolsonaro ayaa sheegay jimcihii in uu ka fiirsanayo xulashooyinka lagula dagaallamayo dabka, oo ay ka mid tahay keenista milatariga.
Si kastaba ha noqotee, wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Mr Macron inuu faragelin ku hayo “faa’iido siyaasadeed”, wuxuuna horey u sheegay wicitaanno looga hadlayey dabka ka dhashay shir madaxeedka G7 ee Biarritz, France – kaas oo Brazil aysan ka qeybgeleyn – wuxuu muujiyay “fikir qaldan oo gumeysi ku dhisan”.
Mr Macron, iyo Raiisel wasaaraha Ireland Leo Varadkar, waxay hada leeyihiin ma ansaxin doonaan heshiiska ganacsiga EU-Mercosur ilaa dalka Braziil muujiyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta deegaanka.
Heshiiska ganacsiga – oo qaatay 20 sanadood oo gorgortan ah in la gaadho – waxaa la isku raacay EU-da iyo koox koonfurta Ameerika ah oo ka kooban Argentina, Brazil, Uruguay iyo Paraguay.
Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay heshiiskii ugu weynaa ee EU illaa iyo hadda – isla markaana uu yareeyo ama meesha ka saaro canshuuraha ganacsiga ee labada dhinac, taas oo siineysa shirkadaha EU-da ee ka dhiga wax soo saarka warshadaha iyo gawaarida marinka Mercosur, iyo ka caawinta dalalka Mercosur dhoofinta alaabada beeraha, oo ay ku jiraan hilibka lo’da, sonkorta, iyo digaagga, ee Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here