Saacadihii ugu danbeeyay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho ee xaruunt dowlada soomaaliya

0
92

Kooxo hubeysan ayaa xalay ilaa saakay siyaabo kala duwan dilal uga geystay magaalada Muqdisho, waxaana dilkii ugu danbeeyay lagu toogtay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Askariga ayaa rag bastooaldo ku hubeysan waxaa ay ku dileen subaxnimadii hore ee saakay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeysa xero Maslax iyo Ex-control Afgooye.

Sidoo kale rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa  degmada Dherkeenley gaar ahaan  xaafada Xaaji Gaabow ku dileen nabadoon siweyn looga garanayay degmada.

Nabadoonka la dilay oo magaciisa la oran jiray Muxyadiin Kilkilow ayaa si weyn looga yaqiinay degaanka sida ay sheegayaan goob joogayaal ka dhowaa halkaas.

Dilalkan danbe ayaa imanaya xili shalay galinkii danbe koox hubeysan sidoo kale toogasho ku dishay xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here