Al-shabaab oo soo bandhigay khasaare ka dhashay duqeyn xalay ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose

0
143

Xarrakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaallada khasaare ka dhashay duqeyn xalay ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeyntaas ayaa waxaa ay geysatay khasaaro isugu jira dhimasho iyo  dhaawac oo u badan dad shacab ah oo ku nool deegaanka la duqeeyay ee  Kuunya-Barrow.

Al-Shabaab ayaa meesha ka saartay wararka sheegaya in khasaare uu ka soo gaaray duqeynta, waxaana ay tilmaameen in duqeynta ka dhacday Kuunya Barroow ay wax-yeelo gaarsiisay dad shacab ah, isla markaana ay ku dhinteen saddex ruux oo middi carruur  tahay, macalin dugsi iyo qof deegaanka ah, sidoo kale-na ay jiraan  dhaawacyo laba ruux ah.

Sawirro laga soo qaaday Goobta duqeynta lala bartilmaameedsaday ayaa  muujinayay burburka Guryo ay lahaayeen dad Shacab ah iyo goobo  Ganacsi.

Mareykanka ayaa inta badan duqeymo dhinaca cirka ah ka geysta  deegaanada ay Gobolada qaar ee dalka ka joogaan Al-Shabaab,waxaana uu  sheegaa in uu ku dilay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka  Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here