Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya oo xadhiga ka jaraya Xabsiga ugu weyn Africa oo Muqdisho laga dhisay

0
44

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jaraya xabsiga ugu weyn Soomaaliya, kaasi oo sidoo kale la sheegay inuu yahay xabsiga ugu weyn Africa oo laga hergeliyay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta dowladda ayaa ka qeyb galaya xariga ka jarista Xabsigaasi oo laga dhisay deegaanka KM7  ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana xabsigaasi la sheegay inuu yahay mid wax badan laga helayo.

Xabsiga waxaa horey u dhagax dhigay Ra’iisul wasaare hore Cumar C/rashiid Cali, waxaana hadda lasoo gabo gabeeyay dhismaha xabsigaasi oo la sheegay inuu yahay mid caalami ah.

Dhismaha xabsiga waxaa la sheegay inay iska kaashadeen taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed iyo hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay, waxaana xariga ka jaraya masuuliyiinta dowladda.

Taliska ciidamada asluubta ayaa sheegay in xabsiga laga helayo Jiif, Qeyb waxbarasho, Garoomo kubadda lagu ciyaaro, qeyb ay dagaan garsoorka dalka iyo ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Sareeyo Guuto Bashiir Goobe oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in xabsigan uu ka weyn yahay xabsiyo badan oo ku yaala dalalka bariga Africa.

Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here