Madaxweyne Waare Oo Sheegay In Sida Dastuurku Qabo Siyaasadda arrimaha dibadda looga Danbeeyo Dowlada Dhexe

0
23

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay muranka Diblomaasi-yadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda sida uu qabo dastuurka ay tahay in looga danbeeyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Hasse ahaatee waxaa uu sheegay in uu aad ula yaabay halka ay arrimuhu iska diidan yihiin, madaama sida uu hadalka u dhigay shirkii ku soo dhamaaday London aan marnaba lagu soo hadal qaadin xaraash shidaal iyo xermooyin la beecgeeyay.

‘’Dowladda federaalka runtii si miisaan iyo mug leh ayeey uga jawaabtay waanan uga mahad celineynaa, laakiin labadan dal mar walba waxey ku qasban yihiin khilaaf kasta oo soo kala dhaxgala in ay ku dhameeyaan wada hadal iyadoo la marayo sharuucda caalamiga ah’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa dhinac kale sheegay in arintn shidaalka tahay bilow u wanaagsan umadda Soomaaliyeed  , laakiin aysan aheyn howl markiiba sanadaha soo socda lagu soo dhameyn karo, isaga oo intaa ku daray in wax wanaagsan tahay in la ogaado marka hore in dalku shidaal leeyahay.

Waare oo wareysigan siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa dhinaca wax laga weydiiyay halkii uu ku danbeeyay isbaheysigii dowlad gobolleedyada iyo aragtida uu ka qabo in isbaheysigaasi sii jiro waxaana uu yiri’’ Runtii waad ogtihiin waxaa la soo maray marxalado kala duwan, is jiid jiid siyaasadeed, iyo khilaaf muddo dheer soo jiitamayay, haddii aad I weydiisay aragtideyda ah sii jiritaanka isbaheysiga waxaan qabaa haddii u isbaheysigaasi noqonayo mid u sameysan sidii xisbi mucaarad ah oo dowladda ka soo horjeeda oo kale in uu meesha ka baxo ayaa ila wanaagsan.

Madaxweyne Waare ayaa hadda ka mid ah madaxda dowlada gobolleedyada dalka si dhaw ula shaqeeya dowladda dhexe ee federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here