Xuutiyiinta Oo Duqeeyey Saldhig Milliteri Oo Ku Yaalla Dalka Sacuudiga

0
51
Yemen Hadal-qoraal oo ka soo baxay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay ku sheegteen inay Gantaal Balaastik ku duqeeyeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Gobalka Najraan ee Koonfurta Sacuudiga.
Xuutiyiinta waxay sheegeen inay Gantaal lagu magacaabo “Badar 1 la beegsadeen Saldhigga Milliteri oo ku yaalladda Deegaanka Bir Askar, balse Milliteriga Sacuudiga weli kama hadlin sheegashadaasi.
Labo maalin ka hor, Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxay Diyaarad nooca aan Duuliyaha Lhaayn ee Daroonka ku duqeeyeen Saldhig ay Milliteriga Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Jizaan oo u dhow xuduudka Yemen.
Jimcihii la soo dhaafay, Isbahaysiga Sacuudiga waxay sheegeen inay burburiyeen Saldhig ay Xuutiyiinta ka hagi jiray Diyaaradaha Darooniska ee Kooxdaasi leeyihiin.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here