Qaramada Midoobay Iyo Dalka Brundi Oo Khilaaf Culus Ka Dhex Qarxay Xafiisyo Oodaha Loo Rogay

0
99

Maalmo kadib Khilaafkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada

Midoobay uu muran badan dhaliyay, ayaa waxaa soo baxay Khilaaf kale oo

ka dhex dhashay QM iyo Dowladda Burundi, iyadoo la xidhay xafiiskii QM ee Xuquuqda Aadanaha ee ku yaallay dalka Burundi. Wargeyska Inner City Press ayaa warbixin uu ka qoray khilaafka Burundi iyo QM, wuxuu cinwaan uga dhigay: Burundi oo xirtay Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha iyo fashilka kale ee Guterres, sidii Soomaaliya oo kale. Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nakurunziza ayuu wargeysku qoray in uu doonayo in hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee haatan joogta dalkiisa ay ka baxaan, iyadoo xoghayaha guud ee Ummadaha Midoobay, Antonio Guterres uu sheegay inaysan taasi wax minco ah lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here