Natiijada Doorashada Madaxtinnimada Congo Oo Muran Dhalisay

0
68
 
Madaxweynihii hore ee Congo Joseph Kabila ayaa ka degaya xilka. Laakiin isbahaysiga uu hoggaaminayo Kabila ayaa ku guuleystay  Natiijada rasmiga ah ee doorashada baarlamaaniga ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo oo la shaaciyay ayaa waxaa inta badan kuraasta ku guuleystay xisbiyada xulafada la ah madaxweynaha xukunka ka sii degaya, Joseph Kabila. Codbixinta madaxtinnimada ayaa ahayd mid lagu murmay – musharraxa mucaaradka ah Felix Tshisekedi ayaa la sheegay inuu ku guuleystay, balse musharraxa kale ee Martin Fayulu ayaa sheegay inuu isagu guuleystay isla markaana uu maxkamad aadi doono. Madaxweynihii hore ee Congo Joseph Kabila ayaa ka degaya xilka. Laakiin isbahaysiga uu hoggaaminayo Kabila ayaa ku guuleystay
qlabiyadda kuraasta baarlamaankaasi, sidaas awgeed isaga iyo xulafadiisu weli qeyb weyn ayay ka qaadan doonaan awoodda dalkaasi. Tani waxay keeni doontaa inay aad u niyad jabaan malaayiinka qof ee rajaynayay in doorashada ay u horseedeyso isbeddello badan. Madaxwaynaha xiga ayaa waxaa la gudboon inuu la shaqeeyo xisbiyada siyaasadeed ee hadda jira, kuwaas oo lagu eedeeyay wax is daba marin, halka laga doonayay inay wax ka beddelaan nolosha dadka. Weli waxaa jira walaac ah in khilaafka ka taagan codbixinta madaxweynaha ay ka dhalan karaan rabshado. Dhanka kale, hoggaamiyaha mucaaradka Martin Fayulu ayaa lagu wadaa inuu
maxkamad geeyo dacwad ka dhan ah natiijada doorashada, isagoo aaminsan in looga shubtay doorashadaas. Ciidammada ammaanka ayaa lagu daad gureeyay meel u dhow halka uu deggan yahay Martin. Wuxuu ku adkeysanayaa inuu ku guuleystay doorashadii bishii hore. Isagoo codsaday in si caadi ah loo xisaabiyo codadka. Balse guddiga doorashada ayaa Felix Tshisekedi ku dhawaaqay inuu guuleystay. Fayulu ayaa ku eedeynaya Tshisekedi inuu heshiis awood-qaybsi ah la galay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Joseph Kabila.
Muxuu Fayulu leeyahay  Tiro taageerayaal ah u ah Fayulu ayaa isugu yimid dibadda halka uu ka deggan yahay magaalada caasimadda ah ee Kinshasa, iyadoo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Kabila iyo Tshisekedi. Si kastaba waxay gudaha u galeen dhismaha, kaddib markii ciidammada ammaanka ay halkaasi gaareen. Mar uu u warramayay tifaftiraha BBC Africa
Fergal Keane, ayuu Fayulu sheegay inuu maxkamadda geyn doono kiis doorashada ku saabsan. Waa maxay natiijada doorashada ka soo baxday  Sida uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Qaran ee dalka Congo (Ceni), Tshisekedi ayaa helay 38.5% codadka doorashadii dhacday 30-kii December. Natiijada ayaa sidan lagu sheegay Felix Tshisekedi – 7 milyan oo codad ah Martin Fayulu – 6.4 milyan oo codad ah  Emmanuel Shadary 4.4 milyan oo codad ah Codadka khasaaray ayaa lagu sheegay 48%
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here