Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo Xaqiijiyay Iney Ka Go’an Tahay Taageerida Xooga Ah Uu Muujinaya Soomaaliya

0
108

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono taageerada dadaalka Shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan iney ku dhistaan mustaqbal adag oo dalkooda ah, ayuu yiri Hesham Youssef, kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka ee OIC.

Hadalkaan ayuu kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka Ururka OIC ka jeediyay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay 27-ka October 2018,ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Dowladda Qatar ayaa shaacisay in ay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee ay siiso Soomaaliya, ayna ku dadaali doonto sidii loo siin lahaa kaalmada lagama maarmaanka u ah waddanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar Sultan bin Saad al-Muraikhi oo Muqdisho kaga qeyb galay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa sheegay in Dowladiisa ay Soomaaliya ka taageertay horumarinta dhinacyada amniga,awood-siinta dhaqaalaha,barnaamijka shaqo abuurka ee dhalinyarada,nabada iyo dib- u-heshiisiinta,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in Qadar ay hirgelisay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dugsiyada, isbitaallada, xarumaha caafimaadka, guryaha loogu talagalay dadka saboolka ah iyo mashaariic lagu taageerayo dadka danta yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here