Mulkiilaha Kooxda Leicester City Oo Diyaaradiisi Burburtay Iyo Isagii Oo La’layahay.

0
342

Diyaarad nooceedu yahay Helicopter oo uu leeyahay mulkiilaha kooxda kubadda cagta Leicester City ayaa burburtay, waxaana aan illaa hadda la ogeyn halka uu ku dambeeyey mulkiile Vichai Srivaddhanaprabha oo laga shakisan yahay inuu ku jiray diyaaradda burburtay.

Ma jiro war rasmi ah oo laga hayo Vichai Srivaddhanaprabha, hase yeeshee diyaaradda ayaa ka duushay gudaha garoonka King Power oo ay xalay fiidkii ku wada ciyaareen Leicester City iyo West Ham United, halkaas oo sida caadiga ah ay ka qaadi jirtay Srivaddhanaprabha dhamaadka ciyaar kasta.

Diyaaradda ayaa markii ay hawada ku jirtay masaafo lagu qiyaasay 200 mitir oo ay garoonka ka baxday, waxay lumisay kaantaroolka, waxaana ay mar kaliya kusoo dhacday dhulka, halkaas oo uu ka bilaabmay olol iyo qiiq, waxaana hadda taagan xaalada jahawareer ah.

Kooxaha gurmadka degdegga ah iyo kuwa la dagaallama dabka ayaa ku sugan goobta, waxaanay ka shaqaynayaan bakhtiinta ololka iyo inay helaan cid ka badbaadday oo gargaar loo fidiyo.

Diyaaradda oo maalin walba marka ay ciyaartu dhamaato garoonka gudihiisa ka qaadda mulkiile Vichai Srivaddhanaprabha ayaanay kooxdu wax war ah kasoo saarin inuu saarnaa diyaaradda markii ay burburtay iyo in aanu la soconin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here