Hordhac: Barcelona vs Tottenham: Harry Kane Vs Lionel Messi & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Sida Weyn Loo Sugayo

0
924

Hordhac: Tottenham vs Barcelona: Harry Kane Vs Lionel Messi & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Sida Weyn Loo Sugayo

Indhaha taageerayaasha kubada cagta ayaa u jeedsan doona Wembley Stadium halkaas oo uu kulan xiiso ku dhex mari doono kooxda Tottenham iyo Barcelona kana tirsan kulankii 2-aad ee wareega Group-yada champions League.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo si aad ah u doonaya in ay gaadhaan guul ka caawisa in ay ka baxaan natiijo xumadii kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga.

Dhanka kale Tottenham ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii ugu horaysay ee champions League kadib markii ay guuldaro la kulmeen kulankii hore ee ay la ciyaareen Inter.

Kulanka: Tottenham vs Barcelona

Tartanka: Champions Leagu

Wakhtiga: 10:OO Habeenimo

Garoonka: Wembley Stadium

XAQIIQOOYINKA KULNKAN:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee Abid dhex mara kooxaha Tottenham Hotspur iyo Barcelona iyo Midkii ugu horeeyay ee tan iyo bishii April 1982dii semi-finalka Koobka Winners ‘Cup, taasoo Barcelona ku badisay 2-1.

Barcelona ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 11kii kulan ee ugu dambeysay ee ay Champions League ay wajahday kooxaha reer England Laakiin wax guul ah may gaadhin laabdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqdeen England iyaga oo guuldaro 3/1 ah kala kulmay Man city sanadkii 2016/2017 sidoo kale bar-baro la galay chelsea xilli ciaareedkii hore.

Tottenham ayaa ku guuleysatay dhamaan seddexdii kulan ee gurigeeda xilli ciyaareedkii hore ee Champions League, iyagoo dhaliyay seddex gool seddexdii kulan ee ay ciyaareen

Barcelona ayaa kaliya guul gaadhay hal kulan oo ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaareen meel ka baxsan garoonkeeda tartanka champions league, guushaasna waxa ay 1/0 uga badiyeen kooxda Sporting Lisbon wareegii Group-yada xilli ciyaareedkii hore.

dayaxnews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here