Maxay Aheyd Fariintii Uu Cristiano Ronaldo U Diray Luka Modric

0
375

Luka Modric ayaa shaaca ka qaaday inuu xiriir aad u fiican la leeyahay xiddiga kooxda Juventus Cristiano Ronaldo, iyadoo kabtanka Portugal uu fariin u diray dhigiisa Croatia madaama Modric uu ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka ee UEFA.

Xiddiga khadka dhexe ee Croatia ayaa saxaafada la hadlay ka dib markii wadankiisa uu la ciyaaray Portugal iyadoo kulankaas uu seegay Ronaldo.

“Waxaan isaga la leeyahay xiriir aad u wanaagsan, waxa uu ii soo diray fariin uu iigu hambalyeeynayo inaan ku guuleystay abaalmarinta, waxaana uu ii sheegay inuu rajeynayo inaan dhawaan is aragno” ayuu yiri.

“Si fiican ayaan isku fahamnaa Cristiano, waana isa sii fahmi doonaa, wax isbedelayo ma jiraan. Abaalmarinada shaqsiga waa muhim laakiin waxaa ka muhiimsan guulaha wadareed

“Waan ku faraxsanahay inaan u tartamada abaalmarinta The Best. Ciyaartoyda iyo tababarayaasha ayaa go’aansan doona sidaasi darteed waan arki doonaa.”

Cristiano Ronaldo ayaan xaadirin xafladii abaalmarinta sannadka ee UEFA iyadoo wakiilkiisa iyo dadka ku dhow dhow ay si weyn ugu weerareen UEFA inaan abaalmarinta la gudoonsiinin xiddiga reer Portugal.

Laakiin Modric ayaa abaalmarinta ku muteystay inuu Real Madrid la qaaday Champions League islamarkaana uu ku hogaamiyay xulkiisa inay gaareen finalka Koobka Adduunka.

Modric ayaa sidoo kale abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA kula tartamaya Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah, halka sidoo kale la filayo inuu u tartamo abaalmarinta Ballon d’Or ee la bixinayo dhamaadka sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here