“Eri Mourinho Oo Ku Bedel…..”, – Jamaahiirta Man United Oo Xalay Daawaday Tababarahan Uguna Baaqay Woodward

0
578

Ryaan Giggs waxa uu waayihiisa Wales ku bilaabay qaab wanaagsan xilli ay 4-1 ku garaaceen Jamhuuridda Ireland kulankii furitaanka ee Eufa Nations League ee Group B4.

Halyeyga Manchester United waxaa lagu ammaanay kubaddii quruxda badneyd ee uu xulkiisa soo bandhigay xilli ay laba cad ka dhigeen Ireland.

Tom Lawrence ayaa daah furay goolasha daqiiqaddii 6-aad kahor inta uusan Gareth Bale labeyn 20 daqiio ee ugu horreeyey.

Aaron Ramsey ayaa kahor qeybta hore in aysan dhammaan saddexeeyey waxaana madfac daqiiqaddii 55-aad ku afreeyey Connor Roberts.

Shaun Williams ayaa ka faa’ideystay qalad uu galay Aaron Ramsey oo goolka calanka u dhaliyey Ireland.

Waxaa dadka soo jiitay bandhiggii Wales.

Taas waxa ay keentay in jamaahiirta United ay dalbadaan in Giggs loo dhiibo Manchester United.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here