Wolverhampton vs Man City : Hantiilayaasha Oo Bartilmaameysanaya Guushoodii Sedexaad Oo Xariir Ah

0
294

Kooxda Man City ayaa hamineysa in ay gaaraan guushoodii sedexaad oo xariir ee horyaalka ee ay ku ilaalsanayaan horyaalnimadooda waxa ayna ka hor tagayaan kooxda Wolverhampton Wanderers oo ay marti u yihiin .

Man City waxa ay kulankaan weynayaan goolhayahooda Claudio Bravo kaasi oo dhaawacan , waxaa kaloo kulankaan aan la filaneyn in uu soo laabto Danilo kaasi oo jilibka ka sheeganaya xilli Kevin De Bruyne uu garoomada ka maqnaanayo dhowr bil .

Xogta Kulanka Guushii ugu horeeysay ee Wolves ee horyaalka ee ay ka gaaraan Man City waxa ay aheyd October sanadkii 2003-dii

* Sidoo kale waxa ay Wolves Man City ku garaaceen 2/1 iyadoo hantiilayaasha marti yihiin sanadkii 2010-kii balse waxa ay labadaas guul ahaayeen kaliya labadii jeer ee ay ka badiyeen City ka dib 8 kullan oo horyaalka ah , waxa ay bar bar dhac la galeen hal jeer halka shan jeerna ay qaabileen guul darro .

* Guushii ugu dambeeysay ee ay Wolves ee horyaalka waxa ay aheyd 4-tii February sanadkii 2012-kii xilligaas oo ay garaaceen QPR , waxa ayna sidaas ku guul la`aayeen 17 kullan .

dayaxnews.net

Hargeisa: office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here