Hordhac: Liverpool v Brighton – Reds Oo Baadigoobeysa Guushii 3aad Ee Isku Xigta

0
346

Hordhac: Liverpool v Brighton – Reds Oo Baadigoobeysa Guushii 3aad Ee Isku Xigta BalseTijaabo Adag Kala Kulmeyso Kooxdii Soo Garaacday Man United Isbuucii Hore

Dad badan ayaa sharad ku galay in xilli ciyaareedkan Lverpool ay tahay kooxda ku ciriirin doonta Manchester City tartanka horyaalka Premier League.

Calaamadaha ugu horeeya ee laga arkayana waa kuwa fiican. Waxa ay badiyeen labadii kulan ee ay ciyaareen iyadoo aan wax gool ah laga dhalinin, Jurgen Klopp ayaana ku faraxsan sida Naby Keita iyo Alisson ay durbaba u saldhigteen kooxda.

Brighton ayaa kulankaan ciyaareysa ka dib markii 3-2 ku soo garaaceen Manchester United isbuucii la soo dhaafay iyagoo ka faa’ideystay qaladaad dhowr ah oo ay sameeyeen ciyaartoyda Jose Mourinho, laakiin kulankaan wuxuu u yahay tijaabo taas ka adag.

Kooxda Brighton ayaa laga dhaliyay 16 gool afartii kualn ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Anfield.

Maxaa ka cusub?

Liverpool ayaa magacaabi karta shax isku mid ah kulankoodii seddexaad ee isku xigta.

Daafaca dhexe Dejan Lovren ayaa weli garoomada ka maqan halka Alex Oxlade-Chamberlain uu isna weli dhaawac muddo dheer ah uu ku maqan yahay.

Leon Balogun ayaa ku soo bilaaban kara kulankiisii ugu horeysay ee Brighton iyadoo Lewis Dunk uu shaki weyn ku jiro madaama uu dhaawac canqowga soo gaaray kulankii Manchester United.

Kabtanka kooxda Bruno ayaa la maqan dhaawac muruqa ah. Jose Izquierdo ayaan taam buuxda aheyn, halka saxiixa cusub Florin Andone uu dhibaato dhanka gumaarka ah uu qabo.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Milner, Wijnaldum, Keita; Salahm Firmino, Mane

Brighton (4-2-3-1): Ryan; Bernando, Bong, Balogun, Montoya; Proppe, Stephens; March, Gross, Knockaert; Murray

Xogta Kulankaan:

Garoonka: Anfield

Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Chris Kavanagh

Ma Ogtahay?

Liverpool lagama badinin todobadii kulan ee ay ka horyimaadeen Brighton tartamada oo dhan iyadoo badiyay shantii kulan ee ugu danbeysay.

Guusha kaliya ee ay Brighton ku gaartay Anfield sagaal kulan oo horyaalka ah oo ay booqdeen waxa ay aheyd bishii Maarso 1982 markaasoo ay gool qura ku badiyeen.

Kooxda Reds waxa ay shaliyay 15 gool waxaana laga badyay kaliya labo seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Brighton tartamada oo dhan.

Kooxda Brighton waxa ay iska dhaliyay seddex gool seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Liverpool.

Dayaxnews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here