Hub iyo Walxaha Qarxa Oo Lagu Wadday Caasimada Gobolka Tigreega Oo La Qabtay.

0
795

Warbaahinta maxalliga ah ee wadanka ethiopia ayaa kusoo warrantay in boqolaal hub ah lagu qabtay waqooyiga Itoobiya, taas oo lagu waday meelo ka mid ah dhulka ay dagto Tigreey

Mas’uuliyiin ku sugan gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya waxay sheegeen in meel buunddo ah hosteed ay ka heleen ilaa 425 alaadaha qarxa ah oo lagu qariyay halkaasi.

Hubka ayaa la sheegay in la qorsheyanayay in loo daabulo caasimmada gobolka Tigreega ee Mekele.

Mana cadda waxaa la doonayay in loo adeegsado waxyaabahan qarxa taas oo mudooyinkii ugu danbeesay ka taagan tahay Xurguf siyaasadeed

Tirada bulshada qowmiyadda Tigreega ah ayaa ah mid yar dalka Itoobiya marka loo barbardhigo bulshooyinka kale, xisbiga Tigreega ee TPLF ayaa muddo tobbonaan sanno ah hoggaaminayay dalka Itoobiya.

Dayaxnews.net kala soco Wararkii Calamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here