Hordhac: Huddersfield Town Vs Chelsea: Maurizio Sarri Oo Bilaaban Doona Nolosha Cusub Ee Premier League

0
392

Kooxda chelsea iyo tababareheeda Maurizio Sarri ayaa bilaaban doona xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League iyaga oo booqasho ugu tagi doona kooxda Huddersfield City kulan si weyn isha loogu hayn doono tababare Sarri iyo xiddigaha Jorginho iyo Kepa.

Blues ayaa kulanka soo galaysa iyada oo isha ku haysa in ay xilli ciyaareedkan iska maydho sharaf daradii xilli ciyaareedkii hore ee ay guuldarada kala kulmeen Burnley kulankoodii ugu horeeay.

Sarri ayaa haysta dhamaan xiddigaha kooxda 1-aad ee kooxdiisa isaga oo ka soo xulan kara shax adag oo uu kaga hor tago Huddersfield.

Kulanka: Huddersfield Town Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00 Galabnimo

Huddersfield Town Ayaa gashay kaalinta ugu saraysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore kadib markii ay 3/0 uga badisay kooxda Crystal Palace kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka.

Kooxda Huddersfield Town ayaa xaqiijisatay booskooda horyaalka xilli ciyaareedkan kadib markii ay bar-baro 1/1 ah la galeen kooxda chelsea xilli ciyaareedkii hore.

Chelsea ayaan wax guuldaro ah la kulmin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda Huddersfield Town 5 way badisay 3 bar-baro ayay gashay, guuldaradii ugu dambaysay ayaa ahay sanadkii 1963.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here