Gudoomiyihii hore ee Gobolka Sool oo ka hadlay Waxa u qabsoomay+ Dareenkiisa Xil ka Qaadista.

0
650

Anigoo ah Gudoomiyihii hore ee gobolka Sool Cabdi Khayr Dirir Waxaan maanta wareejiyey xilkii aan u hayey qaranka Ummada iyo Shacabka gobolka Sool ,iyadoo ay goob ka yihiiin Jananka Ciidanka Qaranka ee aaga bari sarreeyo guuto cali bare xuseen Taliyaha Qayta .

Police ka gobolka Sool Gaashaanle dhexe Cismaan Xaaji Daahir Duqa degmada Laascaanod Cabdi Cazii Xuseen Taarwale ,
Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Sirdoonka gobolka Sool , abaalduulaha qaybta 7 aadee gobolka Sool , Maaarka degmada Boocame
Maayarka degmada Yagoori Xoghayaha dawlada hoose ee degmada Laascaanood , Xoghayaha gobolka Sool , Odoyaasha iyo Saxaafada
Isuduwayaasha Wasaaradaha kala duwan ee gobolka Sool , Waxaan maanta si rasmi ah Xilkaa igala wareegey gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka Sool , Xil Wareejintaasi soo amartay wasaarada arimaha gudaha JSL Maadaama aan anigu maanat ahay qof ku jira Safar Cibaado oo u socda inuu soo guto Waajibaadkii Alle ee Xajka .

Waxaan si qalbi furnaan ah ugu mahad naqayaa Xukuumada Somaliland oo uu hogaaminayo madaxwaynaha Qaranka Muuse Biix Cabdi , ku xgeenkiisa ,
golaha Wasiirada , Shacabka gobolka Sool ,
Gudiga Nabad gelyada Saxaaada , Odoyaasha iyo dhamaan qayabaha kala duwan ee shacabka gobolka Sool sidii wanaagsanayd ee laab xaadhnaanta ahayd ee
ay iila shaqeeyeen , Waxaan qirayaa oo Alle la hortagayaa in mudadii aan xilka hayey aanan isqabqabsan cid ka tisan
masuuliyiinta gobolka Sool , gudiga amniga iwm si wanaagsanna maanta aan xilka u wareejinayo , anigoo faraxsan .

Siyaasada Waxan ka leeyahay hiigsi , Waxaan rajaynayaa inaan horey u soo socdo , dadkayga iyo Qarankaygaba waan u shaqaynayaa iyaga ayaanana u maqanahay , Waxaan shacabka gobolka Sool u sheegayaa in ay taageeran mashaariicda iyo horumarka ay ka wado xukuumada
Somaliland guud ahaan gobolka Sool .

Mashaariicdaaasi ,hadii aan Wax ka sheegyo , Waxaa gobolka iminka hadda ka socda maalmaha soo socdana ka bilaabanaya mashruuc oo waawayn oo ay ugu horrrayso :

1: Mashruuca dhismaha Wadada tagta garoonka Diyaaraha ee Gole-yeedhey ee waqooyiga gobolka Sool , kaas oo ay gacanta ku hayso dawada hoose ee degmada
Laascaanood , Waxaana uu yahay wado shan kiilo metre ahmashruucan oo ay maaalgelinayo hay’ada USA Aid (Tes +) .

2: Mashruuca Dhismayaasha dhanka Caafimaadka Waxbarashada ee ay Hay’adda Kuwaitian ka ka bilaabi doonto maalmaha soo socda dhanka Waqooyi ee magaalada Laascaanood , Mashaaruucdan oo isugu jira kuwa Waxbrasho Caafimaad iyo Dugsiyo loo dhisayo
Agoomaha magaalada Laascaanood .

3: Waxaa bilaabmi doona Dib u dhisma garoonka Cabdi Bile Cabdi oo isna diyaara.

4: Mashruuca Dhismaha Garoonka Kubada Gacanta ee bartamaha magaalada Laascaanood ,iyo mashaariic kaloo soo socda.

Dhinaca kale Waxaan qirayaa in shacabka gobolka Sool yihiin dad gob ah , dad yaqaana la shaqaynta masuuliyiinta xilka u hay ,
Dad yaqaana soo dhawaynta waa u mahad naqayaa dhamaantood .

Sidoo kale Laamaha amniga , gudiga nabad gelyada iwm waan u mahad naqayaa dhamantood Gudiga nabadgelyad waxaan si gaara uga mahad naqayaa shahaado sharaftii ay i siiyeen , Waxaan leeyahay halkaaa ka wada dedaalkii aad wadeen

Ugu danbayn , Waxaan ka rajaynayaa in shacabka iyo qarankuba uu iigu soo duceeya in uu Alle no fududeeyo safar dheer ee aanu ku gudanayno Xajka .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here