Sheeko Cajiib ah .RUUX SABOOL AH SAAD MA LEH?

0
1640

Waa Xilli Habeen ah oo aad u qaboow, Waxana Da,aya Roob xoog leh , Dadkuna qaarkood Waxa ay  Wataan Dalado Weeyna  cararayaan oo Biyaha Roobka ayay ka gabanayaan, qaar kalena Jaakadaha iyo Dharka culus ee ay xiranyihiin,ayagoo   isku sii daboolaya si ay Dhaxanta uga gaashaantaan.
Waxaa halkan taagan Nin la moodo Sanam ama Tiir, Taagnidiisa Darteed. Wuxuu wataa Dhar aad u Muuqaal dilan oo Wasaq iyo Uskag miiran ah. Dhabanadiisa ilinta Indhahiisa ayaa kasoo hoortay baa diirineysa. Dadkuna dhinacyadiisa ayeey marayaan iyagoo qaarkood moodaya inuu Sanam yahay.
Waxaa si aad iyo aad ay yasmo ay ku jirto u soo eegay Nin Wadada marayay oo ku yiri “ War Dhar wanaagsan miyaadan heysan?.

Wixii kale aad dooneysana ii sheeg?”.

Ninkii Wadada dhex taagnaa ayaa ku War-celiyay “ waxaan kaa doonayaa kaliya inaad iga hor dhaqaaqdo”.

NinKii isla weeynaa iyo jees-jeeska u hadlayayna Cod dheer buu ku yiri “ War na dhaaf wax Waalan baad tahay”.
Ninkii Taagnidiisa lala yaabanaa ayaa markuu Roobku qayoostay soo dhaqaaqay oo soo abbaaray Hoteel kuwa ugu caansan Ka Mid ah, Wabigana ku Teydsan. Ninkii soo dhawaynta qaabilsanaa ayaa isku dayay inuu horjoogsado Ninkan Dharka wasaqeysan wata, wuxuuna u sheegay in Hoteelka aan Tuugsi iyo wax waydiisasho laga ogoleyn.

Balse Ninkii ayaa isagoo arrintaas ka jawaabaya wuxuu Soo dhaweeyihii tusay Furaha Qol ka mid ah Qolalka ugu Lacagta badan ee Hoteelka oo uu Kireeystay Ninkii Ku Lebisnaa Dharka Wasaqda ahaa

Shaqaalihii Hoteelka oo aad u yaaban baa wada eegay Ninkan Dharka uu wato aanay xitaa kuwa Xoogsatada ahi isku quurin, ee hadana Hoteelka sidaas u qiimaha badan iyo Qolkaas qaaliga ah kireystay.

Iyagoo sidii u yaaban ayuu isla Ninkii oo sidii hore ka duwan soo baxay. Dhar kuwa ay Madaxdu xirtaan buu kusoo labistay, Gaari aad u qaali ahna wuu lasoo baxay.
Ninkii soo dhaweeyaha Hoteelka ahaa ayaa u yimid Nikan Labiska sareeya, wuxuuna yiri isagoo ka daba jiitamaya “ Mudane, Mudane Maxaan kuu qabtaa?

Gaariga Albaabkaas kala bax. Xagaas Furaha dhigo. Shaaha halkan ka cab. Kabaha Dhulka ha isaga wasaqeyne ii sug aan Roog kuu dhigee…”.
Ninkii oo Qolsaya ayaa isna yiri “ Waan gartaye imisa Lacag ah baa kugu filan?

Miyaan kuu kordhiyaa?

Waayahaye bal intaan qaado.”. wuxuuna waydiiyay “Haye Hoteelkan Tuugsiga iyo Dad wax waydiisashada lagama ogola miyaa?”.
Mar kale ayuu Ninkii Hantiilaha ahaa yiri “Balaaya idinku dhacday Dadka waxaad ku qiimeysaan Hantidooda inta ay dhantahay. Waxaase Mahad leh Oo Awood leh Ilaahaygi Habka aad adiga igula dhaqmeyso badalay Daqiiqado gudahood”.
Ninkii Ku labesnaa Dharka Wasaqda ah ayaa Yiri “Xilli Qaboowga marka la gaaro waxaan isku dayaa inaan arko Dareenka Saboolka. Dhar wasaq ah baan Roobka la tagaa anigoo doonaya inaan dhibaatada ay Dadka Saboolka arkayaan dareemo”
Qofkii aan Shilin heysan Sharaf looma yeelayo, waxaaba la moodaa in Gacan siinta Qofka Miskiinka ay Ceeb tahay ,Hadii aan loo kaalmeyneynin   maxaa loo yasayaa oo Erey xun loogu Yeraa , ileen Ereyga fiican isagaaba Sadaqa ahe (الكلمة الطيبة صدقة)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here