Dhageyso: Ciidamada Kenya Oo 5 Dumar Soomaaliyeed Ah Ku Kufsaday Degmada Beled Xaawo. 5 Gabdhood oo..

0
1029

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay sare uqaadeen tacadiyada ay ugeysanayaan dadka shacabka ah.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Melleteriga ayaa kufsaday 5 gabdhood Soomaali ah xilli ay ku socdaalayeen wadada isku xirta degmooyinka Beled Xaawo iyo Mandheera.

Aabaha dhalay mid kamida gabdhaha lakufsaday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaar kamid ah gabdhaha ay xaaladooda caafimaad ay aad u liidatay, dumarka ay gummeystuhu ku xad gudbeen waxaa kamid ah gabar 15 sana jir ah iyadoo aad uliidato ladhigay isbitaalka Beled Xaawo.

Falkan murugada leh ee ciidamada Kenya ku kaceen ayaa ka careysiiyay shacabka kunool magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, ciidamda Gummeysiga Kenya ayaa caan ku ah in ay xasuuq iyo tacadiyo fool xun kula kacaan shacabka gummeysi diidka reer Gedo.

Dayaxnews.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here