Waa kuma Malcom & Qaabka ay udhacday Sheekadii Afduubkii qarniga!!

0
575

Waxa ay Malcom u ahay 24 saac oo waali ah kadib markii ay kooxda Barcelona adeegiisa ka afduubatay kooxda Roma saacadihii ugu dambeeyay xiddiga ayaana haatan dareenkiisa ka hadlay kana dhawaajiyay in uu ku faraxsan yahay in uu ku soo biiray kooxda Barcelona.

Kadib markii maanta lagu dhawaaqay heshiiska xiddiga, Malcom ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda kadib kooxda intooda kale ula safri doona kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee America ka dhici doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here