Maraykanka Oo Somaliya Usoo Magacaabay Safiir.

0
147

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maalintii Arbacada shaaciyey safiirkiisa Soomaaliya u fadhiya. Trump ayaa danjiraha Somalia u magacaabay Donald Yamamoto oo aqoon badan u leh Geeska Afrika, haattana ah kaaliyaha Afrika ee waaxda arrimaha dibadda Maraykanka.

Waxa uu hore u soo noqday safiirka Maraykanka u fadhiya Itoobiya sanadihii 2006 ilaa 2009, waxa kale oo ahaa safiirkii Jabuuti sanadihii 2000 ilaa 2003.

Magacaabistani waxay imanaysa iyada oo waaxda arrimaha dibadda Maraykanku cusboonaysiisay digniinteeda socdaalka ee Soomaaliya 9-kii bishan, islamarkaana muwaadiniinteeda uga digtay in ay Somalia u socdaalan oo ay ku jirto Somaliland haliso ka dhan ah muwaadiniinteeda awgeed.

Maamulka Trump ayaa sidoo kale kordhiyay faro gelintiisa Soomaaliya isaga oo fuliyo weerarro dhanka cirka ah iyo taageero ciidamada lugta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here