Dab Khasaare Geystey Oo Ka Kacay Mid Kamida Degmooyinka Muqdisho.

0
159

Xalay ayaa waxaa dab khasaare hantiyeed geystay ayaa ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolkan Banaadir.

Dabka ayaa baabi’iyey ilaa Afar dukaan oo ku yaalla istaanka Gaadiidka laga raro ee degmada Kaxda ee loo yaqaano Quraca Nabada,waxana la sameeyey dadaalo farabadan oo lagu deminayey dabkaas.

Qof ka mid ah dadka ku nool degmada Kaxda ayaa warbaahinta u sheegay in tiroba afar dukaan gebi ahaanba hantidii taalay ay baaba’day.isla markaana gurmad ay sameeyen ciidamadda dab damisku iyo dadka Shacabka ahi ay ku guuleysteen in ay demiyaan dabkaas.

Goobaha Ganacsi ee uu xalay dabka ka kacay ee degmada Kaxda ayaa saakay waxaa gaaray qaar ka mid Ganacsatada iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada kuwaas oo weli sameynaya gurmad si markale dib loogu dhiso goobihii burburay.

Suuqyada Muqdisho qaarkood ayaa markii uu dabka kaco waxaa adkaata in si fudud lagu demiyo maadaama goobaha Ganacsi ay yihiin kuwo aad isugu dhow,isla markaana loo waayo Wadooyin loo maro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here