Xog Dheerad ah: Halkee ayey ka yimaadeen labada gaari ee isku qarxiyey Otto Otto?

0
371

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii shalay ay maleeshiyaadka Alshabaab ku qaadeen xarun ay wada deganaaayeen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana hallkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa waxaa loo adeegsaday laba gaari nooca raaxada ah kuwaa oo kasoo koray isgooska Sayidka laba jiho, sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee ka howlgala isgooska Sayidka ee uu ka dhacay weerarka.

Gaariga koowaad oo noociisa uu ahaa Parado ayaa isgooska Sayidka kasoo koray dhanka xarunta baarlamaanka gaar ahaan laamiga ka imaada bakaaraha waxa uuna ku dhuftay ilinka laga galo Wasaarada.

Gaarigan ayaa la xaqiijiyay in laba ruux oo dhar shacab wata uu ku dajiyay halka la dhigo gaadiidka Hoteel Sayid oo ku yaala isla isgooska waxaana xigay Qaraxa oo ahaa mid ay maleeshiyada ku furaneysay bartakoontarool ee laga galo Wasaarada.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in gaariga labaad oo ahaa nooca loo yaqaan Saaruf uu ka imaaday dhanka Isgooska Dabka waxa uuna daba socday gaari nooca dagaalka ee looyaqaan Cabdi­bilaha kaa oo lagu qarxiyay afafka hore ee Hoteel Sayid, iyadoo ay khasaaro kasoo gaartay ciidamadii la socday gaariga dagaal oo qabar moog ahaa.

Gaariga labaad ayaa la xaqiijiyay inuu kasoo baqoolay Degmada Howlwadaag, sida ay xogta sheegeyso waxaa gaarigaasi waday dhagarqabe da’diisa lagu sheegay ilaa 25 jir.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka ayaa sheegay inay sii hayeen xogta weerarka hase yeeshee aanu jirin xili rasmi ah oo la filankaray weerarka.

Ciidamada amaanka ayaa ku dhawaad Seddex bil ku jiray heegan si looga hortago Qaraxyada iyo dilalka ay qorsheynayaan maleeshiyaadka Al­Shabaab, hase yeeshaa weerarada ayaa inta badan dhaca xiliyada kala wareega ciidamada amaanka.

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka ayaa wada baaritaan lagu xaqiijinaayo weerarka oo u muuqda mid la hagaayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here