Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Maanta Safar Ku Tegaya Dalka Eritrea.(Akhri ujeedka Safarka)

0
301

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo wafdi ka mid ah Golahiisa Wasiirada ayaa maanta ku wajahan  magaalada Casmara ee Xarunta Dalka Eritrea waana safar gali doona Taariikhda Gobalka maadaama ay muddo ka badna 20 sano xiroorkooda aad u xumaa Labadaan Dowladood ee Itoobiya iyo Eritrea.

Wixii ka dambeeyay 1998 waxaa Labadaan Dal dhaxmaray Dagaal Culus oo lagu hoobtay dagaalkaas oo qaatay muddo 2 sano ah waxaana markaas go’ay xiriirkii u dhaxeeyay Labada Dal.

Waa booqashadii ugu horeysay oo rai’sul wasaare ka socda Itoobiya uu ku tago dalka Eritrea  muddo 20 sano ah, waxaana arintaan Page cusub u fureysaa Xaaladda Gobalka ee Gaar ahaan Itoobiya iyo Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here