Ra’iisaul Wasaaraha Ruushka Oo Kahadlay Guuldaradii Xulkooda Kasoo Gaadhey Koobka Aduunka.

0
331
Russian Prime Minister Dmitry Medvedev speaks at the a meeting of the Eurasian Economic Union in the Black Sea resort of Sochi, Russia, Friday, Aug. 12, 2016. Prime Minister Dmitry Medvedev said Friday Russia could break diplomatic ties with Ukraine over reported security incidents in Crimea, something it didn't even do after annexing Crimea or throwing its support behind separatist rebels in the east. (Alexander Astafyev/Sputnik, Government Pool Photo via AP)

Ra’iisal wasaaraha waddanka Ruushka Dmirtry Medvedev ayaa ka hadlay guul-darradii xalay dalkiisu kala kulmay xulka wadanka Croatia ee wareega siddeed dhamaadka Koobka Adduunka, ciyaartaas oo rikoodheyaal ay guushu ku raacday Croatia.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kusugnaa garoonkii ay ciyaartu ka dhacaysey ee magaalada Sochi,kadib markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu soo saaray hadal kooban oo uu kaga hadlayo sidii uu u arkayey ciyaaryahannadii dalkiisa iyo halka ay soo gaadheen.

Ra’iisal wasaaruhu waxa uu aad ugu mahadceliyey ciyaartooyadiisa ciyaarta quruxda badan aysoo bandhigeen iyo heerka ay kasoo gaadheen koobka Adduunkan.

“Mahad-naq ballaadhan ayaan Ruushka u diyaarayaa sida ay u ciyaareen tartankan Ruushka gudihiisa” Sidaas ayuu yidhi ra’iisal wasaare Dmitry Medvedev oo farriin kooban soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Instagram.

Ruushka ayaa loo saadaalinayey inuu soo dhaafi karayo xulka wadanka Croatia oo uu usoo gudbi karayo wareegga semi-finalka oo ay iswajihi lahaayeen England oo colaad siyaasadeed ka dhaxayso, hase yeeshee xulka croatia ayaa kala badbaadiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here