Ciidamadda Dawladda Somaliya Oo Toogtey Saddex Kamida Ragii Weerarka ka Geystey Otto Otto.

0
435

Wararkii ugu danbeeyey ee weerarkii dhismaha Wasadaha ee Otto Otto ayaa sheegay in la toogtay saddex nin oo ka mid ahaa raggii weeraray dhismaha ay wada degan yihiin Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha gudaha Somaliya ee Ote Ote.

Saraakiisha waxa ay sheegeen ragga weerarka soo qaday oo ka koobnaa Shan ruux, mid ka mid ah inuu kaxeynaayay gaariga qaraxa lagu fuliyay, halka ruuxa kalena uu isku qarxiyay irida hore ee dhismaha Wasaaradahan.

Saddexdii kale ayaa la sheegay inay toogteen ciidamada dowladda, kadib markii ciidanka NISA ee dhismahan illaalada ka haya ay rasaas isweydaarsadeen raggii hubaysnaa, sidaasina lagu toogtay.

Ciidamada dowladda ayaa gudaha u galay dhismaha Wasaaraddaha Arrimaha gudaha iyo Amniga, waxayna halkaasi ku xaqiijiyeen badqabka masuuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda ee jooga.

Ragga la toogtay maydkooda ayaa wuxuu yaalla Barxadda hore ee Wasaaraddahan, waxaana jooga goobta Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Jawiga ayaa hadda wuxuu yahay mid caadi ah, waxaana la xiray guud ahaan dhaq dhaqaaqa Wadada oo gaadiidka dowladda loo diiday inay maraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here