WAR DEG DEG AH: Dagaal Markale Ka Qarxay Degaanada Ceel-afweyn iyo Darar-weyne.

0
845

Wararka naga soo gaadhaya degaanada darar-weyne iyo ceel-afweyn ee gobolka sanaag ayaa sheega in markale dagaal ka dhex qarxay beelaha halkaas wada dega oo hore diri colaadeed u dex martay.

Shalay ayay ahayd markii dooxa duleedka Darar wayne koox hubeysi ay qof halkaasi ku dileen. Saaka subaxnimadii hore ayaa sidoo kale dagaal toos ah oo u dhaxeeya labadani beelood uu ka qarxay dooxaasi.

Inkasta oo aan la garanayn khasaraha nafeed ee ka dhashay bal se dadka deegaanka ayaa ku warramaya in uu jiro khasaare dhaawac oo labada dhinac ah.

Geesta kale magaalada Ceel-afweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ciidamada Booliska ah ee halkaasi ku sugani iyo mid kamid ah beelaha dagaalamaya ay magaalada dhexdeeda rasaas isku weydaarsadeen. Dadka magaalada ayaa sheegaya in maleeshiyaadka magaalada kula dhex dagaalamay ay u socdeen deegaanka Darar Wayne si ay qeyb uga noqdaan dagaalka halkaasi ka socda.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here