Mudaharad Xanibey Isu socodka gaadiidka Hargeysa iyo Boorama Oo Ka Dhacay Degmadda Dila.

0
192

Madahadaar xoogan ayaa galab dhicii shalay ka dhacay degmada Dila ee gobolka Awdal,kadib markii dadwayne gadoodsan oo kasoo horjeedo xadhiga xukuumada kula kacday Cabdishakuur Aw cali Buux  “Gacmoole” oo manta lagu xidhay magaalada Boorama.

Xadhiga wiilkan ayaa salka ku haya kadib markii ay xukuumada Somaliland ku eedaysay koox dhalinyaro ah oo uu ka mid ahaa ay is hortaageen qodista beeraha banka wajaale oo ay gacanta ku hayso xukuumada Madaxwayne muuse Biixi.

Mudahaaraadkan ayaa ilaa iyo waqtigan ka socda magaalada Dila kaasoo dhamaanba xanibay isku socodkii magaalooyinka Hargaysa,Wajaale iyo Boorama,iyagoo wadooyinkii ku gooyay dhagax waawayn islamarkaasina ku shiday taayiro.

Ilaa hada wax khaasare ah kama dhalan mudaharaadkaas, lama amnigu weli masoo gaadhan halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here