Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliya Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Imaraadka U Fadhiya Dalka.(Akhri Ujeedada Kulanka)

0
212

Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Wasiirka arimaha dibeda Somalliya iyo Safiirka Imaaraatka Carabta ufadhiya dalkan oo dhawaan dalka dib ugu soo laabta isagoo ka maqnaa Muqdisho tan iyo 8dii Bishii April, markaas oo uu ka carooday sida loola dhaqmay xili diyaarad Malaayiin doolar sida Garoonka Muqdisho lagu qabtay.

Boga Facebooka ee Wasaarada arimaha dibeda Somaliya ayaa la soo dhigay Sawirrada kulanka dhexmaray labada Masuul, iyadoo lagu sheegay in xoojinta xiriirka labada dal lagu gorfeeyay Kulanka.

Warar soo baxaya, waxa ay sheegayaan in Kulanka looga hadlay sidii loo soo celin lahaa taageerada Imaaraatka Carabta siiyo Somaliya, maadaama ay hakiyeen Kaalmadooda, sidoo kalena ay irddaha isugu dhdufteen Saldhigoodii Muqdisho iyo Isbitaalo ay ku lahaayeen degmooyinka Caasimada.

Wasiirka arimaha dibeda Somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudooyinkan waday dadaalo ku aadan sidii loo soo celin lahaa xiriirka Godka Madoow ku dhacay ee Somaliya iyo Imaaraatka Carabta, iyadoo Madaxda ugu sareysa dalka ay isku qilaafsanyihiin soo celinta xiriirkii Imaaraatka.

Maxamed Axmed Cusmaan Al-Xamaadi, Safiirka Imaaraatka Carabta ufadhiya Somaliya ayaa Todobaadkan Garoonka Koonis Stadium uga qebgalay Munaasabadii lagu xusayay Kowda Luulyo, waxaana Munaasabadaas Joogay Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Qatar ujooga dalkan.

Lama oga sida lagu soo celin karo Xiriirkii Somaliya iyo Imaaraatka Carabta oo Meeshii ugu hooseysay ee abid gaaray, waxaana labada dal ay hawada isu mariyeen hadalo kul kulul.

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/07/

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/07/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here