Sawiro: Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La yeeshay Maamulka Iyo Ardayda Dugsiga Abaarso.(Akhri Ujeedada)

0
182

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah ardaydii ka qalin-jabisay dugsiga ABAARSO, macallimiinta iyo xubnaha guddida waalidiinta dugsigaas.
Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, mudane Yaasiin Xaaji (Faro-toon) iyo xubno masuuliyiin ah oo ka kala tirsan xukumada iyo maamulka dugsigaas,iyada oo halkaas madaxweynaha lagu siiyey war-bixin si qoto dheer u taabanaysa waayaha dugsiga, guulaha ay jaamacadaha dibadda kasoo hooyeen ardaydii kasoo baxday oo intooda badani dalka kusoo guryo noqdeen.

Dugsiga Abaarso ayaa ku yaalla duleedka magaalada Abaarso oo dhinaca galbeedka kaga beegan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxaa wax ka barta Arday tiro badan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo marka ay dhammaystaan waxbarasho ka hela jaamacadaha ugu magaca weyn dunida ee ay kamidka yihiin YALE, Connecticut Massachusetts( MA), HARDVARD, COLOMBIA New York(NY), BROWN, Rhode Island iyo Amherst, waxana ardaydan uu madaxweynuhu la kulmay ay isugu jiraan kuwo soo qalin jabiyey oo dalka kusoo laabtay, qaar waxbarashadoodii ku dhex jira iyo kuwo haatan tegaya.

Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Masuuliyiinta iyo Ardayda Dugsiga AbaarsoMadaxweyne Biixi Oo Qaabilay Masuuliyiinta iyo Ardayda Dugsiga AbaarsoMadaxweyne Biixi Oo Qaabilay Masuuliyiinta iyo Ardayda Dugsiga AbaarsoMadaxweyne Biixi Oo Qaabilay Masuuliyiinta iyo Ardayda Dugsiga Abaarso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here