Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Lala Beegsaday Ciidamada Kenya.

0
212

Wararka dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidan ka tiran Booliska Kenya shalay gelinkii dambe lagula eegtay deegaanka Lafey oo hoosyimaada degmada Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Ilo wareedyo xog ogaal u ah ayaa waxa ay sheegayaan in qarax Miino uu tuulada Sheekh Barow ku qabsaday mid ka mid ah gaadiid kolonyo ahaa oo ay wateen ciidanka Kenya, halkaasina uu ku burburay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka.

Shabaab oo warkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegteen masuuliyadda weerarkan, waxayna tilmaameen ka sokow burburka gaariga inaanay xaqiijin Karin khasaaraha ciidanka Kenya ka soo gaaray qaraxaasi.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in Qaraxaasi ciidamada aysan ka soo gaarin dhimasho, laakiin ay jiraan dhaawacyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya halkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in ciidan gurmad ah ay soo gaareen, kuwaas oo bilaabay ka daba tagga ragga weerarkan soo qaaday.

Kooxda Shabaab ayaa inta badan qaraxyada miinooyinka iyo weerarada jidgooyada ah waxa ay u dhigaan ciidamada Kenya ee ku sii jeeda magaalooyinka gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here