Dalka Jabuuti oo Baasaboorkiisa Siinaya Shacabka Somaliland.

0
368

Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay bilaawday in dadka ku nool dalka Soomaliland ay siiso baasaboorka dalka Jabuuti,xilli weli soomaaliland aqoonsi ka helin Aduunka.

Safaarada Dowladda Jabuuti ku leedahay dalka somaliland ayaa laga bilaabay bixinta Baasaboorka dalka Jabuuti,waxaana Maanta baasaboorkii ugu horreeyey lasiiyey Gabadh dhowaan dhalatay taas oo,iyada iyo hooyadeed ay tageen safaarada jabuuti ay ku leedahay Magalada Hargeysa.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaliland Xuseen Cumar Kawaaliye ayaa sheegay in Gabadhii ugu horreysay ee Amiira Mahad Maxamed timid Xafiiska Dowladda Jabuuti ku leedahay Hargeysa,isla markaana sirasmi ah loo siiyey Baasaboorka iyo dhalashada dalkaas.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan dadka ku nool dalka Soomaaliland in ay safaarada Jabuuti ee Hargeysa ay u soo doonan doonaan baasaboorka iyo dhalashada Jabuuti,isla markaana ay diyaar u yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here