Dadku Dhex Gubtey Shil Gaadhi Oo Saaka Ka Dahacay Kenya.

0
123

9 qof ayaa ku dhintay, halka ugu yaraan 20-kalena ku dhaawacmeen shil gaari oo Aroortii hore ee saakayto ka dhacay Waddada weyn (highway) ee isku xirta magaallooyinka Nairobi iyo Mombasa.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay isku dhaceen Bas ay dad rakaab ah la socdeenrakaab iyo gaari Xamuul meel ku dhow Deegaanka Suldaan Xaamuud oo u dhow Degmadda Email oo 125 KM dhanka K/bari kaga toosan  magaalladda Nairobi.

Shilkaasi ayaa dhacay, kadib, markii ay weji-ka-weji iskugu dhaceen Gaari Bas oo ay leedahay Shirkadda BusCar Company ee magaalladda Mombasa iyo Gaari Xamuul, iyadoo olol weyn kacay markii ay isku dhaceen labada gaari.

Dadka ku geeriyooday shilkaasi waxaa la dhigay Qaboojiyaha Isbitaalka Makindu Hospital, halka dadkii sida xun ugu dhaawacmay shilkaasi ayaa  la dhigay Isbitalka Kalkaalisnimadda ee Kilome Nursing Home for medication oo aan ka fogeyn goobta uu shilku ka dhacay.

Taliyaha Boliska Gobalka Makueni, Maxamed Maalim ayaa sheegay inay baarayaan waxa sababay shilkaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa mid aad iyo aad u xun.

Waxa uu tilmaamay in Baska shilka galay ku sii jeeday magaalladda Mombasa, markii ay masiibadaasi dhacaysey.

Shilalka gaadiidka ee ka dhaca dalka Kenya waxaa la sheegay inay sii kordhayaan, iyadoo sannad kasta ay 3,000 ilaa 18,000 oo qof ku geeriyoodaan shilalka ka dhaca dalkaasi, sida lagu qoray Istaastisikadii ugu dambaysay ee lagu qoray Websaytka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA SHILKAASI:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here