Qoys Ka Kooban 9 qof Oo Ku Sumoobey Caano ay Cabeen.

0
219

Dr. Cabdirisaaq Cabdillaahi Aw Yuusuf ayaa u sheegay Idaacadda BBC-da in qoys ka kooban 9 xubnood ayaa habeennimadii 30ka Juun cabeen wax loo malaynayo inay ahaayeen caano ay ku sumoobeen.

Dadkaas oo ku nool deegaanka Xingalool oo bari kaga beegan magalada ceerigabo ee gobolka Sanaag ayaa sida uu dhakhtarku sheegay waxaa subaxnimadii la geeyey xarun caafimaad oo ku taalla isla deegaanka, halkaasoo daryeel caafimaad loogu fidiyey.

“Dadka qaarkood Kooma ayey ku jireen, qaarna kuma aysan jirin, markii aan baarnayna waxaan ogaannay inay isticmaaleen wax ay ku sumoobeen” ayuu yidhi Dr Cabdirisaaq.

Baaritaan intaa dhaafsiisan ayuu sheegay in lagu sii samayn doono, oo sheybaar loo diri doono dheecaanno iyo dhiigagba, wuxuuse intaa ku daray inay haysato dhibaato xagga dawada ah, isagoo sheegay in dawadu ay gabaabsi tahay.

Xaaladda dadkaas ayuu sheegay in hadda ay ka soo fiicnaaneyso sidii ay ahayd markii la keenay xarunta caafimaadka.

Waxaa la rumaysan yahay in xoolaha caanaha laga lisay ay ahaayeen kuwo dawooyin la siiyey.

 

Source: BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here