Kooxda Al-shabab Oo Meel Fagaare ah Ku Toogatey Nabadoon Caanka Ahaa Shabeellaha Dhexe.

0
252

Shalay gelinkii dambe ayaa meel fagaare ah oo ku taalla deegaanka Gambole ee Gobolka Shabeellaha dhexe kooxda Al-Shabaab waxa ay ku toogteen Nin Oday ah oo ka mid ahaa Waxgaradka degmada Balcad ee gobolkaasi Shabeellaha dhexe.

Odayga la ladiley ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Abshir Nuur Xuseen oo loo yaqaanay(Maliife),waxana sidoo kale uu ahaa Nin xoolo Dhaqato ah caana ka ah degmada Balcad iyo tuulooyin hoostaga.

Nabadoonka ayaa mudo ku dhow Afar Bilood waxa uu ku jiray Gacanta Al-Shabaab kadib markii uu deegaanka Gamboole ka qabteyn xilli uu ku guda jiray xalinta  isqabqabsi u dhaxeeyey dadka degaankaas,waxana ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here