Haweeney Ku Eedaysnayd Inay Ka Tirsan Tahay Al-shabab Oo Ku Geeriyootey Xabsi.

0
164

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in Haweeney lagu magacaabi jirey Maryan Cabuud ay ku geeriyootay Xabsiga dhexe ee magaalladda Mombasa.

Marxuumadda oo iyada iyo 3 haween oo kale oo iyku xirnaa Xabsiga Shimo La Tewa  ee Mombasa. tan iyo sannadkii 2015-kii ayaa la sheegay inay bishii hore u geeriyootay Cuddurka Kansarka, sida ay sheegeen Baarayaasha dalkaasi.

Qoraal caafimaad oo loo gudbiyey Maxkamadda Mombasa ayaa lagu sheegay inay Marxuumadda u geeriyootay cuddurka Kansarka, balse Maxkamadda Mombasa waxay u yeedhay Madaxa qeybta Boliska Mombasa ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeedho Argagixisadda, Charles Ogeto si wax looga weydiiyey  Dacwaadaha ka dhanka ah 4-ta Haween ee lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin Xraakadda Alshabaab, kuwaasi oo dacwadoodu socotay muddo 3 sanno ah.

Madaxa Garsoorayaasha Maxkamadda Mombasa, Evans Makori ayaa u yeeray Mas’uulkaasi, si uu Maxkamadda horteeda caddaymo uga bixiyo arrimo badan oo la xiriira Kiiska haweenka ku eedeysan inay ka tirsan yihiin Alshabab.

Madaxa Garsoorayaasha Maxkamadda Mombasa waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo cabsi-gelin ku ah sidiii ay Haweenkaasi u heli lahaayeen Maxkamad caadil ah.

3 ka mid ah Haweenkaas oo  lagu kala magacaabo Umul-kheyr Sadri, Khadiijo C/qaadir iyo Xaliima Aadan oo ay dacwadooda ka socotay Mombasa waxay beeniyeen Eedeymaha loo haysto, iyaoo lagu sii daayey Damiin Lacageed.

Wargeyska The Star waxa uu qoray in mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Xaliima Aadan ay Ciiddanka Boliska u gudbiyeen magaalladda Nairobi, inkastoo aan la shaacinin sababta loogu wareejiyey Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here