Dalka Mexico Oo Madaxweyne Cusub Doortay.

0
170

Andrés Manuel López Obradoroo ayaa ku guulaystay doorashada madaxweynenimada ee dalka Mexico, wuxuuna sheegay in uu isbadal wayn samayn doono.

Duqii hore ee magaalada caasimadda ah ee Mexico City oo loo yaqaanno Amlo ayaa la sadaalinayaa in uu ku guulaysan doono 53%, dadkii la tartamayayna waxay qirteen in laga guulaystay.

Wuxuu wacad ku maray in uu wax ka qaban doono musuqmaasuqa  wuxuuna sheegay in arrintaasi dalka u horseedday sinaan la’aan bulsho iyo rabshado.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in uu labanlaabi doono kharashaadka la siiyo dadka da’da ah, isla markaasna uu xiriir dhaw la yeelan doono dalka Maraykanka.

Calaaqaadka ay Mexico la leedahay Maraykanka ayaa meel hoose gaaray tan iyo intii la doortay madaxweyne Donald Trump.

Trump ayaa dalka Mexico si wayn ugu dhaliilay ganacsiga iyo soogalootiga, balse madaxweynaha Maraykanka ayaa hadda Twitterka ugu hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Mexico.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here