Madaxweynaha Falastiin Oo Hakiyey Xidhiidhkii Rasmiga Ah Ee Uu La Lahaa Israa’iil

0
468

Madaxwaynaha falastiiniyiinta , Mahmoud Abbas, ayaa hakiyay dhammaan xidhiidhkii  rasmiga ahaa ee uu la lahaa Israa’iil.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay sii kordhayso xiisada ku aadan talaabooyin ammaan oo dheeraad ah oo lagu soo rogay magaalada qadiimiga ah ee Qudus.

Saddax qof oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay isku dhacyo dhexmaray dibad baxayaal falastiiniyiin ah iyo ciidamada ammaanka israa’il.

Sidoo kale saddax qof oo israa’iliyiin ah ayaa tooreey lagu dilay meel u dhaw magaalada Ramala ee ku taala daanta galbeed .

Saxaafada Israa’il ayaa sheegtay in saddaxda qof ee la dilay ay kala ahaayeen laba nin

iyo haweeneey,islamarkana weerarkaasi uu ku dhaawacmay qof kale oo israa’iili ah.

Israa’iil ayaa ku tilmaamtay mid lagama maarman ah talaabooyiinka ammaanka ee ay qaaday ka dib markii la dilay laba ka mid ahaa askarteeda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here