War Deg Dega, Madaxda Muruqmaalka Dekada Berbera iyo Madaxtooyada Somaliland Oo Xaly Xili Danbe Gaadhay Heshiis Meel Dhexe Laysugu Yimid

0
214

Shaqadii Dekada Ee Taagnayd Labada Casho Xalay Saqdii Dhexe Ayaa Dib Loo Bilaabay,

Shaqadii Dekeda Berbera Ee Mudada Sadexda Maalmooda U   Taagneyd Cabaashada Shaqaalaha Muruqmaalka Oo Dib Ubilabantay Xalay Saacadihii Danbe.

Shaqaalaha Muuqaalka Dekeda Berbera Ee  Waxna Rara Waxna Dejiya   Ayaa Shaqadii Maraakiinta lagaga Shaqeynaayay Ee Taagneyd Dib Ubilaabay Xalay 112kii Habeenimo Kadib   Wada Hadal Madaxtooyada Hargeysa Ku Dhexmaray Madaxda Ururada Muuqaalka Dekeda Berbera Iyo Masuuliyiin Xukumada Kasocda Kuwaas oo uu Hogaaminaayay Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi Iyo Laba Kamida Madaxda Shirkada Dp World Oo Ajinabiya. Kulankaas Madaxtooyada Hargaysa kadhacay oo Aan la sheegin Natiijada Rasmiga  Ah Ee  Kasoo Baxday Ayaa  Sheegaya   In Muruqmaalku Dekeda Berbera Loo Ogolaado Waxyaabaha ay Kacabanayeen ee Sababay inay Shaqada Dekeda Joojiyaan    kuwaas oo ay kamid Ahaayeen Lacago  Dayna Oo

Kaga Maqna Dekada Berbera Xiligii Aay Aay Xukumaysay Xukuumada Somalialnd    Iyo Xuquuqda Iyo Xaqa Ruuxa Shaqaalaha Muruqmaalku ahi Leeyahay Marka Uu Shaqada Ku Dhaawacmo ama Ku Dhintaba Iyo Waliba Qaabka Lacagta Loo Siinayo Markay Shaqada Dhameeyaan oo Ay Dalbadeen In Deg Deg Loo Siiyo.

Dabcan Cabshooyin kala Duwan Oo Ka Taagnaa Xata ganacstada wax kala Soo Dega Dekada Berbera Aay Qabeen Sida Qalab La,aanta Shaqada Habsaamisa Ayaa Laga Yaabaa In Xukuumada Somaliland Kala Hadasho Masuuliyiinta Shirkada Dp World Ee XIligan Ku Sugan Hargaysa, iyo Waliba Amarada Adag Ee Aay Dul Dhigtay Shaqaalaha U Shaqeeya Wixii Ka Baxsan qawaaniint Caadiga Ah Ee Qof Shaqaalae ah Lagu Eryi Karo,

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here