You are here: Home / Wararka Maanta RASMI: Juventus Oo Ku Dhawaaqday Iney Dhameystirtay Saxiixa Daafacii Ac Milan Mattia De Sciglio & Faah-faahinta Heshiiskiisa.

0
167

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney dhameystirtay saxiixa daafacii Ac Milan & qaranka talyaaniga Mattia De Sciglio kaas oo ku yimid magaalada Turin aduun dhan 12 Malyan oo Euro iyo gunno gaareysa 500,000 kun oo Euro oo ku xiran bandhigiisa iyo hormarka uu kooda la gaaro.

Shalayto ayuu ka gudbay tijaabada caafimaad, waxaana durba lagu daray liiska ciyaartoyda kooxda ee aadaya dalka mareykanka, balse haatan ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay.

“Kooxda kubadda cagta Juventus waxey ku dhawaaqeysaa iney Ac Milan kala heshiisay helitaanka xuquuda diiwaangalinta ciyaariyahanka Mattia De Sciglio kaas oo lagu dhameystirayo lacag dhan 12 Malyan oo Euro oo loo tixgelinayo in lagu bixiyo sadex sanadood”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here