Neymar → PSG, Costa → Atletico, Verratti → Man United & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta

0
754

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalin laha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay horumarin ku samayn karaan safafka kooxahooda ka hor inta aanu bolaamin xili ciyaareedka cusubi waxaana haddaba jira xidigo badan oo kooxaha Premier Leaque-gu dagaal ugu jiraan in ay la soo waregaan.


Paris Saint Germain ayaa qarka u saaran iney Barcelona kala xaajooto iney Neymar Jr kula soo wareegto aduun dhan 196 Malyan oo Pound. (Guardian)

Paris Saint Germain ayaa diyaar u ah iney Neymar Junior siiso heshiis shan sanadood ah oo uu gabi ahaan ku qaadanayo aduun dhan 45 Malyan oo Pound. (Daily Mail).

Chelsea ayaa isku diyaarineysa iney 44 Malyan oo Pound kaga iibiso Atletico Madrid ciyaariyahanka reer Spain Diego Costa madaama ay lasoo saxiixdeen 24-jirkii Real Madrid Alvaro Morata. (Independent).

Madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa hoos u dhigay wararka kooxdiisa la xiriirinaya iney dib ula soo wareegeyso Diego Costa. (Mirror)

Liverpool ayaa diyaar u ah iney dalab dhan 70 Malyan oo Pound ka gudbiso xidiga RB Leipzing Naby Keita kadib markii laga soo diiday 66 Malyan oo Pound. (Mirror)

Arsenal iyo West Ham United oo ka wada xaajoonaya sidii kooxda Hammers ay ku 20 Malyan oo Pound ugu iibsan laheyd Jack Wilshere. (DailyS tar)

Man City ayaa kusii dhawaaneysa iney As Monaco kala soo wareegto daafaceeda bidix Benjamin Mendy. (Times).

Sidoo kale Manchester City waxey qarka u saaran tahay iney Real Madrid kala soo wareegto daafaca 26-jirka ah ee reer Brazil Danilo. (Guardian).

Manchester United ayaa si ba’an loola xiriirinayaa Marco Verratti kadib markii Mino Riola uu noqday wakiilka cusub ee xidiga reer talyaani. (The Sun)

Red Devils ayaa isha ku heysa Ross Barkley xilli 23-jirka reer England uu quuldareynayo inuu isaga tago Everton. (Mirror).

Inter Milan ayaa si fiican u eeganeysa wali Anthony Martial oo ka tirsan Manchester United, waxena dooneysaa inuu ka qeyb noqdo heshiiska Perisic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here