DEG-DEG: Agaasimaha Kooxda PSG Oo Soo Gaaray London Iyo Arsenal Oo Wadnaha Farta Ku Haysa Maxa Soo Kordhay

0
311

Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay xagaagan kooxeheeda ku xoojiso xiddigaha ugu fiican kuwaas oo ay ka mid yihiin weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez iyo xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Neymar.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in Agaasimaha guud ee kooxda PSG uu saaka soo gaaray magaalada Londo si uu u dhamaystiro saxiixa Alexis Sanchez.

PSG ayaa doonaysa in ay ka faa,iidaysato xaalada xiddigan ku jiro ee uu ku diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Arsenal xilli ay sidoo kale Arsenal diidantahay in ay xiddigan ka iibiso kooxaha Premier league kula xafiitama ee ay ka midka tahay Arsenal.

Warka Wuu Sii Socdaa Xayaysiiska Ka Dib

Sponsored by Revcontent
Revcontent Acquires Rover to Do for Discovery What Google Did for Search

Waxa la filayaa in kooxda Arsenal PSG u dhib yarayso in ay xiddiga la wareegto xagaagan maadama uuna xiddigan doonayn in uu ka sii mid ahaado kooxda Arsenal maadama ayna xilli ciyaareedka dambe champions league ciyaari doonin.

Sanchez ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in uu doonayo in uu ku biiro koox xilli ciyaareedka dambe ka ciyaari doonta champions league inkasta oo uu tababare Wenger ku adkaystay in uu xiddigan sii joogi doono kooxda Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here