Barcelona Oo Si Layaab Leh Ugu Dhaqaaqi Doonta Xiddiga Ugu Hadal Heynta Badan Suuqa Kala Iibsiga Hadii Uu Ka Tago Neymar Jr. by Abdirashid Mohamud “SHarDinHO” | Thursday, Jul 20, 2017

0
213

kooxda Barcelona ayaa si layaab leh ugu dhaqaaqi doonta weeraryahanka As Monaco & qaranka France Kylian Mbappe, waase hadii uu Camp Nou faarujiyo ciyaariyahanka reer Brazil Neymar Jr kaas oo si weyn loola xiriirinayo Paris Saint Germain.

Wargeyska Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ay si layaab leh ugu dhaqaaqi doonto Kylian Mbappe iyo Marco Verratti kuwaas oo ay aaminsan yahiin iney dhameystiri karaan kooxda riyada ee macalin Ernesto Valverde.

Man United iyo Chelsea ayaa si hoose u xiiseynaya Neymar Junior, balse warbaahinta dalka Brazil waxey isku raaceen in Paris Saint Germain ay diyaar u tahay iney bixiso aduun dhan 222 Malyan oo Euro oo ah lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa.
Si kastaba kooxda ka dhisan gobolka Catalan waxey dagaal ugu jirtaa iney soo rogaal celiso mar kale isla markaana ay mar kale qabsato qaaradda yurub.

Dhinaca kale Andreas Iniesta ayaa laga yaabaa inuu isaga huleelo kooxda Barcelona madama lasoo wariyay inuusan heshiiska u kordhin doonin kaliya 12-bilood ayaana kaga haray qandaraaskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here