Wasiir Cadaani Oo Soo Bandhigay Cabasho Ay Ka Gudbiyeen BBC-da Iyo Is Garad Ay Wada Gaadheen Madaxda Idaacada

0
199

Wasiir Cadaani Oo Soo Bandhigay Cabasho Ay Ka Gudbiyeen BBC-da Iyo Is Garad Ay Wada Gaadheen Madaxda Idaacada

Hargeysa(HWN):-Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta somaliland Cismaan Cabdilaah Saxardiid(Cadaani) ayaa ka waramay cabasho ay xukuumadu ka gudbisay laanta afka soomaaliga ee BBC-da iyo is afgarad ay wada gaadheen madaxda idaacadaas.

Wasiir Cadaani oo maanta ka hadlayey munaasibad Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du ugu dabaal dagaysay 60-guurada ka soo wareegtay markii la aas aasay ayaa waxa kale oo uu codsi u diray madaxda BBC-da waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Jamhuuriyada somaliland waxay ahayd maxmiyad ka mid ah boqortooyadii Ingiriiska mudo ka badan 70 sanadood sidaas darteed waxa ka dhaxeeya labada dal xidhiidh qoto dheer waxaanan wali rajo ka qabnaa si loo xoojiyo xidhiidhka

labada dhinac in xarunta BBC-da ee bariga Afrika dib loogu soo celiyo goobtii hore loogu qorsheeyey ee magaalada Berbera   oo ay BBC-du ku lahayd xarunta ugu weyn ee warqabadka bariga Afrika.”

Wasiir Cadaani oo ka hadlaya cabasho ay u gudbiyeen madaxda idaacada BBC-da ayaa waxa uu yidhi “Si rasmi ah ayaanu cabasho ugu gudbinay laanta afka soomaaliga ee BBC-da iyo madaxdeeda sababtuna waxa weeyaan waxa loo arkaa BBC-dii dhexda ahaan jirtay ee dadka afsoomaaliga ku hadla ee shanta soomaaliya ah dhexda u ahaan jirtay inay maanta tahay mid dhinac u janjeedha, ilaa maalintii lagu dhawaaqay somaliland-na uu meel gaar ah warkeedu ku salaysan yahay, arintaas si xoog ah ayaanu uga wada hadalnay madaxda BBC-da meelna waanu wada dhignay.”

Wasiir Cadaani oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay qodobada ay cabashada ka gudbiyeen iyo isgaradka ay wada gaadheen maamulka idaacada BBC-da waxaanu yidhi “Qodobkan maanta umada somaliland sidii la doono loo odhanayo waxaan leeyahay shacabka somaliland mudo 27 sanadood ah ayey ahayd dal madax banaan oo xor ah oo aan soomaaliya shaqo ku lahayn oo danaheeda,maamulkeeda iyo hawlaheedaba ay iyadu masuul ka tahay, waxaanu jecelnahay in hadalada badan ee marba wariyuhu si gaar ah u sheegayo in la cadeeyo ileen aduunyaduba way la macaamishaaye in jamhuuriyada somaliland tahay dal madaxbanaanidiisa isku taagay oo aan cidna u daba fadhiisanayn xornimada ay gaadhay, BBC-dana waxaanu ka codsanaynaa in sida ay tahay u sheegaan oo ay tahay jamhuuriyad madax banaan oo iskeed isku taagtay.”

 

cumar maxamed

Dayaxnews.net

Hargeisa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here