Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Aqbalay Go,aanka Baarlamaanka Kuna Dhawaaqay Inuu Dhisayo Xukuumad Cusub

0
152

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Aqbalay Go,aanka Baarlamaanka Kuna Dhawaaqay Inuu Dhisayo Xukuumad Cusub

Garoowe(DYX):-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa aqbalay go,aan ay baarlamaanka maamulkaasi kalsoonidii kagala noqdeen xubnihii golaha wasiirada ee xukuumada maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in baarlamaanku qaaday talaabo sharcigu u ogol yahay isla markaana aanu jirin wax khilaaf ah oo ka taagan go,aanka Baarlamaanka waxaanu yidhi “Sida aynu wada ognahay waxa uu baarlamaanku maanta salaasa ah qaaday talaabo ay kalsoonidii kagala noqdeen xukuumada maamulka Puntland, talaabadaasi waa mid dastuuri ah waxaanay guteen waajibaadkoodii shaqo waanan aqbalaya go,aanka baarlamaanka.”Ayuu yidhi Madaxweyne Cabdi Wali Gaas.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Puntland waxa uu sheegay inuu

soo dhisayo xukuumada cusub waxaanu yidhi “Talaabada uu baarlamaanku qaaday waxay u faraysaa inaan soo dhiso gole xukuumadeed oo cusub mudada uu dastuurku ii ogol yahay, waxaan la tashanayaa madaxweyne ku xigeenkayga sida uu dhigayo dastuurku.”

Xildhibaano gaadhaya 56 mudane oo ka mid ah 66-ka mudane ee uu ka kooban yahay baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta u codeeyey mooshin ay xildhibaanadu kalsoonida kagala noqonayeen dawlada madaxweyne Gaas, kuwaas oo ku eedeeyey inay u fashilantay amaanka iyo dhaqaalaha isla markaana uu hadheeyey musuq maasuq baahsan oo ka jira mashaariicda ka socda maamulka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here