Chelsea Oo Ku Dhawaaqday In Ay Heshiis Cusub Ku Abaal Marisay Tababaraha Kooxdeeda Ee Antonio Conte

0
241

(DYXN) Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub ku abaal marisay macalinka kooxdeeda ee Antonio Conte kaas oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo laba sano ah. Kadib markii uu muddo shaki la galinayay mustaqbalka Antonio Conte ee Stamford Bridge ee la sheegayay in uu ka cadhaysan yihiin in bartilmaameedyadii uu suuqa ka lahaa aan loo soo iibin ayuu ugu danbayn qalinka ku duugay qandaraaska cusub oo warkaas soo xidhay.

Laakiin sida uu Sky Sports xaqiijiyay heshiiskii hore ee Antonio Conte ee ay labada sano ka hadhsanayd ayaan wax waqti ah lagu darin balse waxa uu heshiiskan cusub ee labada sano ahi kii hore kaga duwan yahay in mushaarka Antonio Conte sarre loogu qaaday balse waqtigii uu hore ugu saxiixay Blues markii uu ku soo biiray ayuu wali waqtigiisu ku eeg yahay.

War rasmi ah oo Chelsea ka soo baxay ayaa lagu yidhi: “Antonio Conte waxa uu maanta heshiis cusub oo laba sano ah uu u saxiixay kooxda kubbada cagta Chelsea. Waxaa heshiiskan lagu dhawaaqay isaga oo isku diyaarinaya in kooxda Championska uu u qaado China iyo Singapore ee kulamada xili ciyaareedka ka horeea ee Asia halkaas oo aynu ku wajihi doono Arsenal, Bayern Munich iyo Inter Milan”.

Antonio Conte oo isna dareenkiisa ka hadlay ayaa yidhi: “Anigu waxaan aad ugu faraxsanahay in aan qandaraas cusub u saxiixay Chelsea. Si aad u adag ayaanu u shaqaynay sanadkii ugu horeeyay si aanu u gaadhno wax layaableh taas oo aan aad ugu hanwaynahay. Laakiin hadda waxaa waajib ah in aanu si ka adag u sii shaqayno si aanu halka ugu saraysa u joogno”.

Conte oo jamaahiirta Blues ka hadlaya ayaa yidhi: “Tan iyo markii aan halkan  soo gaadhay sanad ka hor jamaahiirta Chelsea waxay i siiyeen taageero badan, waana muhiim ah in aan sii wadano wada guulaysiga”.

Ugu danbayn agaasimaha Chelsea ee Marina Granovskaia ayaa isna yidhi: “Antonio xili ciyaareedkii hore waxa uu gaadhay waxaan macquul ahayn wuxuu si deg deg ah ula qabsaday kubbada cagta England wuxuuna nagu hogaamiyay koobka Premier Leaque-ga.

Marina Granovskaia ayaa hadalkiisa ku sii daray: “Heshiiskan cusub waxa uu ka turjumayaa sida aanu u aaminsanahay in uu sii wado natiijadii uu gaadhsiiyay ee gudaha iyo soo laabashada tartanka kooxaha ee Yurub ee Champions Leaque”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here