Ruushka Iyo Maraykanka Oo Wadda Haddalo Ka Yeeshay Hanti Moscow Leedahay Oo Ku Xaniban Washington

0
148

Ruushka Iyo Maraykanka Oo Wadda Haddalo Ka Yeeshay Hanti Moscow Leedahay Oo Ku Xaniban Washington

Saraakiil sarsare oo ka kala socda wadamada Ruushka iyo Maraykanka ayaa waxaa wada hadallo diblomaasiyadeed ay ku yeesheen magaalada Washington, iyagoo ka wada hadlay muranka ka taagan labo xarun oo Ruushku lahaa kuwaas oo uu xifhay maamulkii Obama.

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in ay jawaab ka bixin doonto haddii aanu maraykanku fasixin hantidaas Ruushku leeyahay.

Kulankan ayaa soconayay ku dhawaad saddex saacadood, ka dib markii waxyar kadib ku xigeenka wasiirka arrimaha dibada ee Rushka uu isaga oo qaylinaya saxafiyiinta u sheegay in labda dhinac ay gebi ahaanba xaliyeen khilaafkooda, hase ahaate ma faahfaahinin, Aqalka Cadna wax war ah kama soo saarin arrintan.

<span< span=””>
</span<>

style=”font-size:16px;”>Aqalka looga arimiyo Ruushka ee Kremlin ayaa sheegay in xarumahan ay ahmiyad weyn u leedahay Ruushka, waxaa ayna dhawaan bilaabeen in ay soo jeediyaan in tani keeni karto in la eryo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Mareykanka, haddii aanay Mareykanku  fasaxin hantidaasi.

Moscow ayaa rajeyneysay in maamulka Trump uu ka soo horjeedsado talaabooyinkii uu horey u qaaday maamulkii Obama.

Balse arrintan ayaa aahaan doonto mid muran badan dhalisa marka la eego baadhitaanada socda ee la xidhiidha  eedeymaha ah in Ruushku fara galiyey doorashadii Maraykanka.

 

 

Source:-BBCsomali

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here