Kenya Iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Sidii Diyaarada Kenya Airways Duulimaadyo Uga Bilaabi Lahayd Garoonk Muqdisho

0
275

Kenya Iyo Soomaaliya Oo Ka Wada Hadlay Sidii Diyaarada Kenya Airways Duulimaadyo Uga Bilaabi Lahayd Garoonk Muqdisho

Nairobi(DYX):-wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Oomaar ayaa faah faahin ka bixiyey kulan uu la yeeshay dhigiisa dalka Kenya.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay inay dhigiisa Kenya ka wada hadleen sidii  labada dhinac ay iskaga faa,iidaysan lahaayeen hawlaha ay qabteen iyo sidii laysku dhaafsan lahaa soo jeedino la xidhiidha ilaalinta amaanka garoomada diyaaradaha ee labada dal.

Wasiir Oomaar oo faah faahinaya kulanka uu la qaatay dhigiisa Kenya ayaa waxa uu yidhi “ Waxaan la kulmay wasiirka gaadiidka iyo duulista ee dalka Kenya oo ay weheliyaan saraakiil ka socda wasaaradiisa, waxaanan ka wada hadalnay sidii loo wada ilaalin lahaa amaanka garoomada

diyaaradaha iyo in la helo duulimaad toos ah oo diyaarada Kenya Airways ku timaado magaalada Muqdisho.”

Diyaarada Kenya Airways ayaan duulimaad toos ah ku iman magaalada muqdisho mudo badan, waxaanu wada hadalka labada dhinac ku soo beegmayaa iyada oo bishii March ee sanadkan la furay duulimaadyadii tooska ahaa u dhaxeeyey magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here