Muwaadin Somali ah Oo Badhtamaha Hargeysa Gaajo Darteed ugu Suuxay

0
224

Waa qisso dhab ah oo ka dhacday mid kamid ah fagaarayaasha badhtamaha caasimadda hargaysa waxaanay u dhacday sheekadu sidan:-

Waxay ahayd maalin khamiis ah waxaan ka soo rawaxay mid ka mida goobaha aan shaqada ka waday  waxaan usoo socday dhanka istaanka baska xaafadda aan degenahay taga, ka hor inta aanan gaadhin goobtii aan  usocday xilliguna waxa uu ahaa  xilli ay goor sheegtu ahayd (11:00 am) cadceedduna ay ku dhawayd badhtamaha, dadkuna ay kasoo rawaxeen shaqooyinkodii, dhagaxa cirka loo tuuraana  aanu dhulka ku dhacayn saxmadda baabuurta iyo dadka awgeed.

Ayaa waxaan marayay waddada halbowlaha ama No-1 ka waxaan usoo tallaabay dhanka  koonfurta ee khayriyadda ama diyaaradda qofba siduu uyaqaano, waxaa fadhiyay dad tiro badan oo ka shaahaynayay maqaaxi laga shaaheeyo oo ku taala goobtaasi, waxaan dhowr tallaabo uqaaday dhanka baanka dhexe ee Somaliland waxay indhahaygu qabteen dad ku buuqsan oo u xoonsan sida jeegaanta oo kale, waxaan usoo dhaqaaqay dhankii lagu xoonsanaa nasiib umaan helin inaan arko waxaa lagu urursanyahay  haseyeeshee daqiiqado ka dib waxaan arkay qof jiifa dhulka, waan ufiirsaday waxa uu ahaa wiil wuuna miyir la’aa cabbaar markaan fiiriyay wiilkii Ayaan kor uqayliyay oo dadkii su’aalay maxaa ku dhacay wiilka?  Jawaabba  maan sugine nin oday ahaa oo dhinacayga taagnaa ayaa biyo uu sitay ku rusheeyey, intaa kadib jawaabtii dadka ayaa isoo gaadhay oo ahayd ­­­­­­­­­­wuu suuxay.

Intaa ka dib madashii ayay ilyartu is qabatay  waxaana qof kastoo udhaafayay sidii neef bakhti ah oo la tuuray marka laga reebo ninkii ku rusheeyey ee waraabiyay.

Markii uu biyiihii cabay ayuu soo fadhiistay oo layidhi maxaa heley?

Inta uu si diifi  iyo gaajo ka muuqato ayuu gacanta caloosha saaray……….

Waxay ku tusinaysaa sheekadani sida ayay dadkeenu usoo kala dhawaysataan masaakiinta hadii manta qof oromo ahi uu halkaa fadhiyi lahaa sida loogu gurman lahaa, illhayna wuxuu yidhi masakinta sida kuugu kala dhaw yihiin waxa usiiya.

Allaa mahadle

Qoraa axmed baashe cali shire

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here